October 12, 2021 ayey Maxkamada ICJ xukunkeeda kama dambeysta ahaa ka dhiibtay inaysan jirin soohdin badeed labada dal ay ku heshiiyeen hadda ka hor oo barbaro la ah loolka sida ay sheegatay Kenya. Balse dhammaan garsoorayaasha maxkammadda waxay si wadajir ah isugu raaceen in xadku yahay midka ay Soomaaliya welligeedba sheeganaysay.[quads id=1]
August 14, 2014 ayaa Soomaaliya dacwad horgeysay maxkamadda kana codsatay inay qaraar ka gaarto xuduudda Badweynta Hindiya ee labada dal iyadoo la adeegsanayo habka sinnaanta (equidistance method) si loo gaaro natiijo siman (an equitable result).
Maxkamadda oo si wadajir ah u soo jeedisay soohdin u dhow tii Soomaaliya ayaa soo afjartay ajandihii isballaarinta Kenya iyo horornimada xushmadda deris wanaagga lahayn waxayna si tabban u saameenaysay madaxbannaani qarannimo, bad hodan ku ah khayraad iyo xidhiidhka labada dal ee dariska ah. [quads id=3]
Maxkamadda waxay soohdinta ku saleysay mabda’a sinnaanta (principle of equidistance) sida waafaqsan tabta saddex-tallaaboodka caadiga ah. Natiijadu waxay ka dhigan tahay wax tanaasul ah oo u dhexeeya sheegashada labada dhinac, inkastoo ay muuqato in cagta lagu dhuftay qaabkii Kenya wax ku boobi lahayd.
Kenya waxay halkaas ku weyday sohdin siin lahayd dhul bad-jiif ah oo lagu qiyaasay inuu ka badan yahay 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah (Sq.Km.) habkaasoo ay ku hanan lahayd shanta jasiiradood ee loo yaqaan “Diwa Damashaqa.” Soomaaliya waxay gacanta ku dhigtay inta badan dhulkii laga boobi lahaa iyadoo 5tii xirmo shidaal ee la isku hayay 4.25 ka mid ah loo xukumay.
Xukunkii February 2, 2017 ayey maxkamadda ku oggolaatay in is-afgaradkii (Memorandum of Understanding – MOU) Abril 2009 uu yahay “Axdi,” aan xeerinayn soohdinta badda labada dal.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa Abril 7, 2009 ku saxiixdeyn Nairobi heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ujeeddadiisu ahayd in laba dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin dalabka qolfoofta badda.
Balse damaca ayaa ahaa inay dib u xariiqato sohdin-badeed ay qiil uga dhigatay heshiiskii is-afgaradka (MOU), aamusnaantii Soomaaliya iyo heshiis si fudud ay ula gashay Tanzania. Taas ayaa qayb ka ahayd duulaankii October 11, 2011 ee ay ku qabsatay dekedda Kismaayo.
Su’aal kama taagna in Shariif Sheikh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdirahman Aadan Ibrahiim Ibbi iyo Cabdirahman Cabdishakuur Warsame ay fudeedkoodii ku dayaceen mas’uuliyaddoodii ahayd inay ka baarandegaan qoraalka is-afgaradka. Waxay xitaa ku fashilmayn inay dhaqangeliyaan xigmadda Rabbaaniga ah ee leh, “Haddii aadan aqoon weydiiya kuwa wax og” oo u sahli lahayd inay la tashtaan khubarada sharciga badda.
Su’aaluhu ma yara, waxaase isweeydiin u baahan, Kenya oo ku guuldarraysatay in maxkamadda ka horistaagto garta, qaaddacday dhegeysigii March, kuna gacan seyrtay qaraarka maxkamad caalami ah sidee nabad ilaaliye uga sii ahaan doonto Soomaaliya iyadoo weliba ku gooddineyso colaad iyo cadowtinnimo hor leh? Dabshide [Kenya] ma noqon doonaa dabdemiye [nabad ilaaliye], mase waa dhurwaagii hilibka lagu rartay?!