Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka Fuliyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo
Howlgaladaan ayaa waxa ay saraakiisha hogaaminaysay Ciidamada Dowladda ay ku sheegeen in lagu burburiyay saldhigayo ay dagaalamayaasha ku lahaayeen halkaasi
Waxaana ay sheegeen in howlgalada nuucaan ah ee amniga lagu xaqiijinayo ay Ciidamada Dowladdu sii wadi doonan
Taliyaha Guutada 10 aad Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in Howlgaladaan loo hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca deegaanada hoostaga Degmada Garasbaalley ee gobolka Gedo
Waxaana uu intaasi ku daray in howlgalada ay kula wareegeebn goob ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab Islamarkaasna ay kasoo Abaabuli jireen Weerarada ka dhacada deegaamada Gobolka Gedo
Muddoyinkii ugu dambeeyay ayay Dowladda howlgalo isdaba jooga ah ka wadeen deegaano dhaca gobolka gedo
Kadib markii xubno ka tirsan alshabaab ay weeraro ka fuliyeen halkaasi