Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Degmada Af-urur ee Deegaanada Puntland
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weeraradaafiic ku bilowday ku qaadeem saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin Af-urur
Ilo deegaanka ah ayaa waxa ay wardeeqnews [the_ad_group id=”102″] u sheegeen in ay maqlayeen saakay jug culus iyo dhawaqa rasaas aan kala joogsi laheyn balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay
Sidookale Saraakiisha Ciidamadda Puntland dhankaada waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday jawaab culusna ay ka bixiyeen walow aysan sheegin qasaaraha ka dhashay Weerarkaani[the_ad_placement id=”ads”]