Sunday, November 24, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay in Shirkaddo Shisheeye Kalluumeysi Sharci Darro Ah Ka Wadaan Biyaha Somalia

0
94

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la dagaalanto kalluumeysiga sharci darrada ah oo Shirkadaha Shisheeye ka wadaan Biyaha Soomaaliya, isla markaana ay ku dadaali doonto Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xeer ilaaliye in kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda dalka uu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, isla markaana ay ka faa’iideystaan dad Soomaaliya u soo Shaqa tegay.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaaliya ibay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here