Dagaal markale dib ugu qarxay degmada Guriceel

0
85

Dagaalka oo aad u culus una dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna ayaa waxaa uu markale ka billowday degmada Guriceel, waxana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu sigaar ah uga socdo Aaga Jaamacadda, halkaas oo ay aad ugu xoogan yhiin xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Warraka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka socda iyo mid saaka ka dhacay Guriceel uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac, waxana dadka ku dhintay kamid ah Taliyihii Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Xaalada Guriceel ayaa Maalintii labaad kacsan, waxaana dowladda Soomaaliya ay Guriceel kusii dabuleeysaa Ciidamo kala duwan si meesha looga saaro xoogag ahlusunna.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here