Al Shabaab militants at a training camp in Somalia. Photo Getty Images 760 x 435 - Wardeeq news

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan ALl-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan.in dagaalka uu hal askari ku dhaawacmay, sidoo kale ay uu ku burburay Gaaei booyad ah oo ay leeyihiin Ciidanka jubbaland, isla markaana  Xerada la weeraray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada jubbaland ay sameeyeen howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo la sheegay inay howlgalka dad badan ku  qab qabteen

Verified by MonsterInsights