Monday, May 20, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida Recep Tayyip Erdogan Oo Ogolaaday Raali Galin Ay Bixiyeen Reer Galbeedku

Recep Tayyip Erdogan Oo Ogolaaday Raali Galin Ay Bixiyeen Reer Galbeedku

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka laabtay hanjabaad uu ku sheegay inuu eryi doono toban safiir oo ka soo jeeda waddammada reer galbeedka ee ay xulafada yihiin, ka dib markii ay ballan qaadeen inaysan faragelin doonin arrimaha gudaha ee Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in danjirayaashu ay dib uga gurteen in bayaan wadajir ahaa oo ay ku taageerayaan qof rayid ah oo xidhan.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda inuu baajiyay colaad qaawan oo uu la galay xulafada NATO oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Jarmalka.

Sabtidii, wuxuu amar ku siiyay wasaaradda arrimaha dibadda inay ku dhawaaqdo tobanka safiir oo dalalkaa ka soo jeeda in aan dalkan laga rabin.

Taas oo badana ka dhigan in afartan iyo siddeed saac gudahood ay dalkaa iskaga baxaan, natiijadeeduna ficil qolada kalena ay ka aarsan lahaayeen.

Waxaa se hadda ay u muqataa in xaalka la dejiyey

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...