FB IMG 1635415659557 696x464 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur GalbeedĀ  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Xerada Ciidanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

laftagareen oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Balli-doogle kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa uu kulan la qaadan soonaa Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ku sugan Xeradaas, isaga oo kala hadli doona howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhawaan Madaxweynaha Koonfur agalbeed waxaa uu sheegay in laga bilaabi doono Gobolka Shabeellaha Hoose howlgallo la isugu furayo wadooyinka degmooyinka Gobolkaas, oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights