Wednesday, May 8, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay Abaaraha ka jira deeganadeeda

Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay Abaaraha ka jira deeganadeeda

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xaaladda arrimaha bani’aadanimada ee deegaanada (KGS).

Wasaaradda ayaa sheegtay in Xaaladda Nolosha dadka ay sii adkaaneeyso.

Warbixinta Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in Qiimaha cuntada daruuriga sare u kacay, kuna yaraaday suuqyo badan oo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada Dowlad Goboleedka KGS.

Warbixintii u dambeysay ee ay soo saartay Hayadda FSNAU ayaa lagu sheegay in tirada dadka u baahan gargaarka ee ku nool deegaanada KGS ayaa sii kordhayaan.

Xaalad biyo yaraan ayaa saameysay deegaano badan oo ka mid ah KGS. Biyo yaraantaas ayaa saameysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

Ugu dambeyn, warbixinta wasaaradda ayaa ku baaqday in la dardargeliyo adeegyada daruuriga ah ee aay u baahan dadka Soomaaliyeed, si degdeg ahna looga jawaabo xaaladan adag.

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...