Madaxweyne Lafta-gareen Oo Amray Derdergalinta Dagaalka Ka dhan ah Al-Shabaab

0
89

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga dalka qeybta 60aad iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Lafta-gareen ayaa kala hadlay Saraakiishan oo uu horkcayay taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow arrimaha amniga iyo in la dardar geliyo dagaal ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo sheegay in dhibaato ba’an ay ku haya shacabka gobolka Bakool iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo qaar ka mid ah wadooyinka gobolka Bakool ee ay go’doomiyeen Al-Shabaab si loo helo amni laisku haleyn karo

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in si wadajir ah shacab iyo ciidan la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka shaqada wanaagsan ee ay u hayaan shacabka gobolka Bakool, wuxuuna ku booriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan howlgalada  ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here