AP21231676546876 - Wardeeq news

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay Axadii in ay qabsadeen magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal gobolka Axmaarada ee Itoobiya.

Dagaalyahanadu waxay qabsadeen Kombolcha iyo garoonkeeda, ayuu yiri Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).Magaalada Dessie ee istiraatiijiga ah ee Itoobiya ayaa ‘ay qabsadeen’ xoogagga fallaagada
Qaramada Midoobay ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tigrayga iyadoo ay socdaan duullaannada hawada Itoobiya
Itoobiya ayaa weerar cirka ah oo afraad todobaadkan ku qaaday caasimadda Tigray
Itoobiya ayaa duullaan cusub oo dhanka cirka ah ku qaaday gobolka Tigreega oo ay colaadi ka jirto
Qabsashada Kombolcha ayaa faa’iido istiraatiji ah u noqon doonta dagaal yahanada Tigreega ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda, kuwaas oo isku dayaya in ay shacabka Tigreega ka saaraan dhulka Axmaarada.

Magaaladan wayn ayaa qiyaastii 380km (235 mayl) u jirta caasimada Addis Ababa, waana koonfurta ugu fog ee Axmaarada ay kooxda TPLF soo gaadhay tan iyo markii ay gobolka soo galeen bishii July. Waxay soo jeedisay in TPLF ay ku sii dhawaanayso caasimadda Itoobiya.

Colaadda sii fidaysa waxay halis gelinaysaa xasilloonida waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan

Verified by MonsterInsights