FB IMG 1635831574579 - Wardeeq news

Kooxo Hubeysan ayaa waxa ay xalay wiil dhalinyaro ah ku toogteen xaafad ka tirsan Magaalada Mugdisho ee Caasimada dal

Dableyda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaa koox burcad ah oo duunayay in ay dhac ugeystaan wil la dilay

Wiilka dhalinyarada ah ee la toogtay ayaa waxa lagu magacaabijiray mowliid cali maxamed waxaa uu ka mid ah ardayda dhigata iskuulka haruun alrashiid

Wararka ayaa sheegay in wiilka la dilay ay dabeydu ay ku amreen in uu mobilkiisa soo wareejiyo balse uu ka biya diiday oo uu isku dayay in uu cagahisa ku baxsado

Waxaana la sheegay in dableydii hubeysneyd ay rasaas ooda kaga rogeen islamarkaasna ay rasaastaasi kaga dhacaday qeybaha kore ee jirkiisa gaar ahaana madax

Dhaawac culus ayaa la sheegay in wiilku noqday waxaana loola cararay mid ka mid isbitaalada ku yaal Muqdisho balse waa uu geeriyooday

Xaafadaha ku yaal Magaalada Muqdisho waxa muddoyinkii kadbe kusoo badanayay kooxaha burcada ah ee xiliyada habeenkii dadka shacabka ka furanaya Mobilada iyo agabyada kale oo ay wataan

Verified by MonsterInsights