- Wardeeq news

Qaraxa oo ahaa  Miino ayaa waxaa uu Maanta  ka dhacay Wadada Ceel-Qalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaas oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo goobta lacagta Billaha ah uga qaado Mooto  Bajaajta.

Wararkaa lahelayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada kuyaal Magaalada Muqdisho.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino, hayeeshee inta badan qaraxysdaas noocaas oo kale ah sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo taageera

Verified by MonsterInsights