Ciidanka Jubbaland 777x437 1 - Wardeeq news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare Geystay oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose

Dagaalkaan ayaa waxa uu mid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar xoogaan ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda ay kulaayeen deegaanka ceel jaale oo ka tirsan Degmada marka

Dagaalka ayaa muddo saacado ah qaartay waxaana laisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan

Ila wareed deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa jug culus iyo rasaasta dagaalka balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani

Maamulka Deegaanka ceejaale ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen weerarka ay xubno ka tirsan alshabaab kusoo qaadeen islamarkaasna ay haatan wadan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo

Alshabaab ayaa muddoyinkii laso dhafey ayaa  Dhaqdhaqaayo ka wadayn deegaano dhaca Degmada marka xarunta gobolka shabeelaha hoose

Waxaana la sheegay in alshabaab ay halkaasi kusoo badan hataan oo ay doonayaan in ay la wareegaan deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda

Verified by MonsterInsights