FB IMG 1638159719621 - Wardeeq news

Howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay sido kalena lagula dagaalamayay mukhaadaraadka khamriga ayaa Ciidamada Booliska Galmudug ayaa laga sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Hawlagallada ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadii horay u joogay magaalada iyo ciidamo cusub oo dhowaan tababar loo soo xiray.

Saraakiisha Ciidmada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howgallada lagu xajiinayo Amniga ay sii socon doonaan, waxa ayna ciidamada kula dar-daarmeen in ay Shacabka u turaan inta ay howlgallada ku jiraan.

Saraakiishu ma shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgallada, iyada oo uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Amniga Galmudug iyo Puntland waxaa ay siwadajir ah u fuliyeen howlgallo, iyaga oo gacanta ku dhigay maandooriyaha khamriga & dad ka Ganacsanayay.

Verified by MonsterInsights