Ciidanka dowladda 1 1 - Wardeeq news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Khasaare Geystay oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay Inta Udhexeysa Degmooyinka Buurhakaba iyo Beydhabo.

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab la sheegay in weerar dhaba gal ah ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaana la tilmaamay in dagaal saacado badan qaatay uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta culus iyo rasaasta ay isweydaar sanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha ka dhashay weerarkani

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaan,waxaanna ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiyeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Wararka Al-Shabaab ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar jid gal ah oo ay labeegsadeen Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay ku dileen hal askari laba kala ay ku dhaawaceen

Al-Shabaab ayaa warkooda ku sheegay in Ciidamadaan ay ahaayeen kuwa kasoo baxay Buurhakaba islamarkaasna kusii jeeday Magaalada Beydhabo

Verified by MonsterInsights