images - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa ku waramaya in Nin isku soo xiray walyaabaha qarxa oo ka tagay  Soomaali dhowr sano ka hor uu isku qarxiyay Guri ku yaala degmada Nyakach Kisumu ee dalkaas Kenya.

Ninkaan oo ah Soomaali ayaa la sheegay in uu daganaa guri ku yaala degmada Nyakach Kisumu ee dalka Kenya,islamarkaana uu ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab,balse uu dib ugu laabtay dalka Kenya.

Sida ay sheegeen booliska dalka Kenya waxyaabaha qarxa oo ugu diyaarsanaa guriga ayaa qarxay waxayna waxyeelo kasoo gaartay dhowr qof oo guriga la daganaa.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa,balse markii dambe dhintay waxaa kamid ah Nin iyo Haweeney 55-sano jir aheyd,waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay Gabadhooda oo la dhigay isbitaal ku yaala deegaanka.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu ka soo laabtay Al-Shabaab-ka ee Soomaaliya, labo sano ka horna uu isku dayay inuu dilo saaxiibtiis, oo haatan dhaawac uu soo gaaray,kadib markii uu ku eedeeyay in ay gaal ay tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Booliiska dalka kenya ayaa heegan buuxa la galiyay iyadoo ammaanka guud ahaan dalka aad loo adkeeyay.

Dhanka kale dadweynaha ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan, islamarkaana ay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan ee dhexdooda iyo hareerahooda ka jira, islamarkaana ay soo sheegaan saldhigga ugu dhow ee booliska.

Verified by MonsterInsights