Boolis - Wardeeq news

Xili Mudooyinkii ugu danbeeyay magaalada muqdisho ay marti u aheyd dhacdooyin xaanuun badan oo uur ku taalo reebtay ayaa taliska ciidanka booliska soomaaliyeed
waxa uu faahfaahin ka bixiyay sbabta ugu badan ee keentay dhacdooyinkaan naxdinta leh dhacdooyinkaas oo ay ugu danbeysay dhacdadii saacado ka hor duuledka muqdisho ka dhacaday taas oo la arkay labo caruur ah meedkooda kuwaas oo loo adeegsaday wax yaabo diiniyan aan wanaagsaneen,iyadoona Intaasi ay sii dheeryihiin dilalka isdaba jooga ah ee ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada dalka.

Afayeenka ciidanka booliska soomaliyeed Abdifitaax adan xasan oo wareysi siiyay wardeeq news ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dhacdooyinka muqdisho ku soo batay ay sabab u yihiin wax yaabaha maanka dooriya iyo Baharaha bulshada oo si qalad loo adeegsanayo .

Sidookale afhayeenka ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa waxa uu Culumada soomaliyeed ugu baaqay in ay dadka ay ka wacyi galiyeen waxyaabahaasi qatarta ku ah nolosha iyo xalsloonida si ay u yaradaan dhacdooyinka aan horay loo maqal loona arag ee muqdisho kusoo badatay .

Dhanka kale afhayeenaka ciidanka booliska oo sii hadlayay ayaa waxa uu shacabka somaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka booliska si looga hortago dhacyoonyinka isdaba jooga ah muqdisho waayadaan ay marti galineysay.

Hadalka afayeenka ciidanka booliska adifitaax aadan xasan ayaa waxa ay imaaneysaa xili dhacdooyin argagaxleh oo qaarkood musiibo lagu tilmamaay ay ka dheceen muqdiaho iyo duleedkeeda.

Verified by MonsterInsights