markab 1 696x392 1 - Wardeeq news

Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa lagu baahiyay warar sheegayay in markab lagu magacaabo Diamon SKY oo laga leeyahay wadanka Nepal dhawaana Kismaayo keenay Shamiindo lagu rararay dhuxul .

Markabkan oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa maalmo kahor kusoo xirtay dekadda magaalada Kismaayo, waxaana markabkan markii laga dejiyay shamiindada la sheegay in lagu raray dhuxul loo iib geenayay dalka Iran.

Maareyaha guud ee dekedda Magaalada Kismaayo Axmed Xaaji Aadan oo warbaahinta kula hadlay markabka dushiisa xili uu shiraacanayay ayuu beeniyay warka la faafiyay, waxa uuna warbaahinta tusiyay markabka oo xiligaasi ahaa mid faaruq ah

Waxa uu sheegay maareeyaha dekadda Kismaayo in habayaraatee dekkada aan marnaba laga dhoofin dhuxul, waxa uuna sheegay in warkaasi faafiyaan dad dana gaar ah leh uu tilmaamay in ay neceb yihiin horumarka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan lagu eedeeyay in dekadda Kismaayo ka dhoofiyeen dhuxul, waxaana dhuxushaasi dhaqaalaha kasoo xarooda la sheegay in ay qeybsadaan maamulka Jubbaland, ciidamada Kenya iyo Al Shabaab.

markab 1 - Wardeeq newsmarkab 2 - Wardeeq newsmarkab 3 - Wardeeq newsmarkab 4 - Wardeeq newsmarkab 5 - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights