Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in ay dileen mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay dilka lix qof oo Faransiis ah oo samafalayaal ahaa iyo labadooda oo u dhashay Niger oo sanadkii hore lagu dilay dalka Niger. Bayaan ay soo saartay Talaadadii, Wasaaradda Ciidamada Qalabka Sida waxay ku sheegtay qofka la dilay Isniintii inuu ahaa Soumana Boura, oo ahaa xubin ka tirsan Ururka Daacish ee Saxaraha Weyn (ISGS) oo madax u ahaa koox tobanaan dagaalyahan ah oo ku sugan galbeedka Niger. Lixda xubnood ee NGO-ga ACTED iyo hagayaashooda ayaa la dilay Ogosto 2020 xilli ay booqanayeen Beerta Qaranka ee Koure, oo ah duurjoogta 65km (40 mayl) u jirta caasimadda Niger, Niamey. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Boura uu muuqaal ka duubay dilka siddeedda qof ee la dilay isla markaana uu kormeeray daabicida muuqaalka.