Qoor-qoor oo Kulamo Kawada Muqdisho, Xubno Diiday

0
142

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Raisulwasaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaaladda lagu xalinayo khilaafka labadda Mas’uul waxaa hor boodaya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), oo shalay soo gaaray magaaladda muqdisho.

Hoyga madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka dagan yahay Muqdisho waxaa xalay ka socda kulamo xasaasi ah waaxaana halkaas tagay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, halka kuwa kale ay ka cadurdaarteen tagitaanka kulanka.

Xubnaha diiday waxaa kamid ah Musharax Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xubnahaan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Qoor-qoor in uusan daacad ka aheyn dhexdhaxaadinta uu wado,islamarkana uu doonayo in uu xagal daaciyo dadaalka raisulwasaare Maxamed Xuseen rooble, uuna garab siinayo Madaxweynaha waqtiga uu ka dhaamaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale waxa jira xubno kale oo la dacsan dadaalka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo wali cadeynin mowqifkiisa khilaafka labadda Mas’uul.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here