Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weeraro qasaaro dhaliyay oo xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan millatariga kenya oo ku sugnaa Magaalada Laamu Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya
Weerarka koowaad ayay alshabaab ka fuliyeen Magaalada Mandheera,waxaana uu ahaa qarax iyo weerar toos ah lagu qaaday ciidamo katirsan meleeriga dowladda Kenya.
Alshabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca intermeetka ayayna ku sheegteen in qaraxaas oo ka dhacay deegaanka dabaasiti ee hoosta degmada Ceelqaaloow, ay ki gubeen gaari Beebe ah oo ay la socdeen askar daqiiqada kadibna waxaa xigay weerar jidgal ah oo alshabaab ay sheegeen inay labeegsadeen ciidamo melleteri ah oo kenya .
Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa habeenkii 3aad oo xiriir ah xalay weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay Magaala xeebka Lamu, iyaga oo sheegay in ugu yaraan 2 ruux lagu dilay deegaanka Hindi dadkaasi oo ahaa shacab kenyaati ah oo guryahooda loogu tagay .
Markii labaad oo todobaadkaan gudihiisa Al-Shabaab ay weerar ka fuliyaan magaalada laamu kadib markii isniintii aan soo dhaafnay ay ka fuliyeen weerar Khasaaro badan dhaliyay