ambulance web - Wardeeq news

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kadib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara iyadoo wali uu socdo gurmadka loo samaynayo dadka waxyeeladu soo gaartay.

Gawaari badan oo ay ku jiraan kolonyadii la beegsaday ayaa burburay.

Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa goobta qaraxu ka dhacay ka qaadaya maydadka iyo dhaawaca goobta yaala.

Illaa hadda ma cadda cidda sida dhabta ah loo beegsaday ee la socotay kolonyada la beegsaday, balse qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dad caddaana oo goobta laga qaadayo.

Ma jiro wax warra oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyo cidda la beegsaday

Verified by MonsterInsights