Waa Tuma Dowladda Ka Liya ee Africa ka Tirsan Misana Dawada Covid-19 Gacanteeda Ku samaysanaysa?

0
173

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa furey warshadii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid-19.

Warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

“Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan gacan hoorsanno”, ayuu yiri Madaxweynaha.

ffc24b64e8054a0f95ff78b6d6b1e115 768x511 1 - Wardeeq news eLJ YIbsfkSX4GGo 768x432 1 - Wardeeq news 1200x 1 1 768x511 1 - Wardeeq news 8839f8ddb5b551e0fcbab4e1dd88c83a 768x512 1 - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here