Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaaladda boosaaso ee Gobolka Bari.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka la galiyo, ayaa ka dhacay meherad qayilaad oo ay fariistaan saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Baxwal,sidoo kale dad ka dhacay ayaa ku dhaawacmay qaraxa kuwaasi oo lagula tacaalaayo Isbitaalka Magaaladda Boosaaso.
Dhanka kale qaraxaan ayaa imaanaya xili Magaalada Boosaaso lagu dilay taliyihii hore ee kaantaroolka Boosaaso, Barkhad Guduudane Buryar