2017312636248775734523919BOOLIS QARAX ISLII KNN KN1 - Wardeeq news

Kenya ayaa heegan galisay ciidamadeeda,kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in Al-shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka dalkaas.

Qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa la sheegay in Kenya ay ugu digeen weeraro Al-shabaab ay geystaan,madaama wali lagu jiro bilowga sanadka cusub.

Shalay oo jimco aheyd Ciidamo aad u hubeysan ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay gaar ahaan bannaanka xafiisyada dowladda, hoteello waaweyn, dhismayaal gaar loo leeyahay iyo xarumaha ganacsiga.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Ciidamadda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah ee Magaalooyinka Kenya.

“Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska Kenya.

Bilowga sanad kastoo cusub Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab oo ay uga aargoosanayeen ciidamadooda galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Sannadkii 2019-kii, Al-Shabaab ayaa 21 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Sannadkii 2015-kii, weerar lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee Bariga Kenya ayaa waxaa ku dhintay 148-qof oo ku dhawaad dhammaantood ahaa arday. Qaar badan ayaa lagu toogtay meel bannaan ka dib markii la aqoonsaday inay Masiixiyiin yihiin

Verified by MonsterInsights