6795605769 53ab7b596c b - Wardeeq news

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee bisha Janaayo tahay 31 bilaabato doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana waxaa Guddiga doorashada Hirshabeelle ay wadaan diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah 11 kursi oo lasoo saaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay howlgal baaritaano ah ka sameeyay Hall-ka loo asteeyay inay ka dhacday doorashada Golaha Shacabka ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Ciidamada AMISOM howlgalka uga sameeyeen Hall-ka loo asteeyay doorashada ay tahay mid loogu diyaar garoowbayo doorashada Jowhar ka dhaceysa maalinta Isniinta.

 

Verified by MonsterInsights