1538070231d3087 - Wardeeq news

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa maanta oo Axad ah dib u furay Ganacsigooda kadib muddo afar maalmood ah oo ay u xirnaayeen Amaro kasoo baxay sida la sheegay Ururka daacish.

Ganacsatada Suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee Bakaaraha oo qaarkood la hadlay wardeeqnews ayaa shegay in saaka uu Suuqa yahay mid Gabi ahaanba furan oo aysan jirin ganacsi u xiran amaraddii kasoo baxay Daacishta Soomaaliya.

Geesta kale taliska Booliska soomaaliya ayaa shegay in aan la aqbali doonin mar danbo goob ganacsi oo xiran, iyaga oo qiil kadhiganayo amar kasoo haxay Daacish.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan oo u waramay wardeeqnews ayaa shegay in ay wada shaqeeyn wanaagsan ay ka heleen Bulshada Soomaaliyeed taasna ay sababtay in ganacsigu uu saaga ahaado mid sidii hore ushaqnayo.

Isagoo sii hadlayay Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed waxa uu shegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay lasoo xiriiraan Taliska Booliska si cabashadoda wax looga qabto

Verified by MonsterInsights