1643536469938 - Wardeeq news

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddida Fulinta oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

Kulankan ayaa lagaga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka gaar ahaan doorashooyinka qorshaysan in ay qabsoomaan sanadkan 2022. Kulankan oo la isku xog-warraystay waxa si weyn loo lafa-guray mawqifka Xisbiga ee arrimaha siyaasadda ee Somaliland ka taaggan iyo u diyaargarowga doorashada madaxtooyada November 13 2022.

Verified by MonsterInsights