WhatsApp Image 2022 01 30 at 03.36.28 - Wardeeq news

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wada geesoodka ah.

Verified by MonsterInsights