FB IMG 1643632965813 - Wardeeq news

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyey bayaankii ka soo baxay beesha Caalamka.

“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland.

Sida ku cad warqadda wadajirka ah ee Xisbiyada mucaaridku u direen Madaxweynaha 24kii January, 2022, waxa aannu aamminsannahay in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, 2022 iyo doorashooyinka kale ee muddaysan, iyada oo laga dheeraanayo inuu yimaaddo khilaaf sharci iyo Jaahwareer siyaasadeed.”.

 

 

Verified by MonsterInsights