273168889 4929165340459927 3836319950255629589 n - Wardeeq news

Tahriibayaal Soomaali ahaa oo dhalinyaro u badan  ayaa ku geeriyooday Xadka  u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Greece.

Sida ay xaqiijiyeen Booliska dalka Turky-ga, dhalinyaradaan oo gaaraya lix ayaa geeriyooday xili ay doanayeen in ay ka talaabaan xadka dalalka Turkiga iyo Greece si ay wadamada kale ee Yurub usii gaaraan.

Dhalinyaradda meydadkooda la helay waxaa kamid ah Abuubakar iyo Yaxye,waxaana goobta la keenay meydadka dhalinyadaan Soomaaliyeed gaaray xubno ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkyga.

Booliska dalka turkyga ayaa sheegay in dhimashada dhalinyradaan ay sabab u tahay qawowga daran ee ka jira dalal kamid ah Yurub iyo barafka dhacaya,islamarkaana aysan wadin agabkii loogu hortagi lahaa.

Meydadka dhalinayaradaan ayaa lagu wadaa in lagu aaso gudaha dalka turkey-ga.

Dhanka kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turky-ga ayaa tacsi u dirtay qoysaska ay dhalinyaradan ka geeriyoodeen,waxayna digniin ku aadan tahriibka ay u dirtay Soomaalida doonaysa in ay wadamadda Yurub ay ku tagaan.

Dhalinyaro badan ayaa si tahriib ah ku taga wadamo ka Tirsan Yurub,balse waxa ay dhibaatooyin ay kala kulmeen xaduudka Turky-ga iyo Greece, oo qaarkooda ay dhintaan,halka qaar kale xabsi la dhigo,kuwaa dib loosoo celiyaa.

 

273168889 4929165340459927 3836319950255629589 n - Wardeeq news 273209072 4929165337126594 2884672114189390857 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights