273662584 329362565786946 4219355320157776507 n 1 696x650 1 - Wardeeq news

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta ka dhiman Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursigaan waxaa ku loolamaya xubnaha kala ah Farxaan Cali Maxamuud, oo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Galmudug iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.

Sida ay sheegeen Guddiga doorashooyinka, doorashada Kursigaan ayaa maanta ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Kursigaan waxa hore ugu guulaystay Sen. Yuusuf Geelle Ugaas oo iska casilay intii aan la siin shahaadada xildhibaannimo.

Verified by MonsterInsights