Aadan Maxamed Nuur: Taliyaha Ururka 154-aad ee Qaybta 60-aad oo Door Muuqda ku leh Difaaca Dalka

Taliyaha Ururka 154-aad ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Aadan Maxamed Nuur (Afey), oo uu wehliyo Taliye Ku-xigeenka ururka, ayaa maanta kulan afur ah la qaatay halyeeyada Ururka 154-aad ee ka howlgala degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Kulanka afurka oo ku qabsoomay jawi is-xogwareysi iyo dhiirrigelin leh, ayaa Taliyaha ururka wuxuu ciidamada uga mahadceliyey dadaalkooda iyo doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka, isagoo ku ammaanay heeganka iyo geesinimada ay mar walba u muujiyaan difaaca dalka iyo shacabka.
Taliyaha ayaa kaalin weyn ka qaatay sugidda amniga degmada Diinsoor tan iyo markii xilkan loo magacaabay, isaga oo si hagar la’aan ah uga shaqeynaya xoojinta amniga iyo xasilloonida deegaanka.






