Af Talyaaniga oo sanado badan kaddib laga dhageysanayo Radio Muqdsiho

0
166

Telefishiinka qaranka Soomaaliya ayaa billaabay baahinta barnaamij ku baxaya afka Talyaaniga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdulaahi Xayir Ducaale oo barnaamijka daahfuray ayaa sheegay laga billaabo maanta inuu maalin walba uu barnaamijkaasi Talyaaniga uu ka bixi doono Radio Muqdisho.

Cabdullaahi wuxuu sheegay barnaamijkan inuu ahaa mid ka bixi jiray Radio Muqdisho burburki ka hor oo hadda dib loo soo celiyey.

Barnaamijka Talyaaniga oo ku yimid heshiis isafgarad oo ay kala saxiixdeen wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka iyo safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Barnaamijka oo ay daadihin doonaan Cali Xuseen Yaasiin Koraado iyo Cabdulqaadir Cumar Maxamuud wuxuu idaacadda ka bixi doonaa 2:30-3:30 duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Radio Muqdisho oo la aasaasay 1951-kii sagaal sano ka hor xornimadi Soomaaliya waxaa ka bixi jiray afafka Talyaaniga, Swahili, Carabi, Amxaari iyo afaf kale.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here