Afar Dhalinyaro ah oo lagu xiray Magaalada Jowhar

0
90

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay xalay Saldhiga Magaaladaas ku xireen Afar Dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku nool Magaalada.

Dhalinyarada la xiray ayaa mid kamid ah waxaa lagu eedeeyay in uu xirtay Funaanad ay ku qoran tahay Hiiraan State halka Saddexda kale la sheegay inay la ogaayeen.

Qaar kamid ah ehelada dadka la xiray ayaa wardeeq news u xaqiijiyay in dhalinyaradaas xalay ay ku hoydeen Saldhiga Magaalada Jowhar.

Xarigaan loogu geystay Afarta  Dhalinyarada ah Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dadka ku nool Magaalada Beledweyne ay diideen in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago, isla markaana dhowr jeer dad dhigay banaannax looga soo horjeeday la xiray.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here