AHLU - Wardeeq news

Ururka Ahlu-Sunna ayaa ka jawaab celiyay hadalkii kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida taas oo waaran maxkamadeed loogu jaray saraakiil ka tirsan Ururkaas.

Raggaan waaranka soo qabashada ah loo jaray ayaa loo heystaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ay Ahlu-Sunna todobaadyo kahor ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Intooda badan askarta iyo saraakiisha liiskaan ku jirta waxay ka tirsan yihiin hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA iyo Booliska, sidoo kale tiro dagaalamayaal kale ah ayaa lagu xusay liiska ragaan la doon doonayo.

13-kii bishaan May ayey ahayd markii Ururka Ahlu-Sunna 26-ka askari oo ka tirsan ay weerar culus ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana xiligaan la sheegay inay ku sugan yihiin deegaano dhaca galbeedka gobolka Galgaduud.

Cabdisalaan Aadan Xuseen madax Siyaasadds Ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in amarka Maxkamadda lagu hurinyo colaad hor leh,  isagoona nasiib daro ku tilmaamay sida uu sheegay In la raadsado Ahlu-Sunna iyagoo Al-Shabaab ay joogaan degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaasi ku daray ineysan jirin cid Ahlu-Sunna kasuulin karta Galmudug, balse go,aanka Maxkamadda uu hurin karo dagaal horleh.

Verified by MonsterInsights