alshabaab 1 1024x556 1 696x378 1 - Wardeeq news

Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo iyo weeraro ka dhacay xalay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano Ka tirsa Shabaab ay weerar ku fuliyeen degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in cagta la mariyay illaaa saddex xero oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya saldhig u ahaa.

1-saldhigga degmada kaxda waxaa ka dhacay weerar naf hurnimo oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay weerar toos ah.

2-Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday xero ku taalla degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Daarusalaam oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda Federaalka.

3- Xero kale oo lagu magacaabo ceel-janaale oo ah meel laga difaaco degmada Kaxda waxaa ka dhacay weerar cagmarin ah oo khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalladan oo socday muddo saacado ah ayaa bilowday abaraa 2:30 saqdii dhexe waqtiga Muqdisho waxayna soo gaareen ilaa saaka waabarigii.

“Laga bilaabo Kaxda ilaa Yaaqashiid ilaa Hodan xalay Al-shabaab ayaa si buuxda u maamulayey islamarkaana kala xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka inta ay howlgalkooda ku guda jireen”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa haatan ma aysan shaacinin khasaaraha ka dhashay qaraxyadda iyo weeraradda ka dhacay magaaladda muqdisho.

Verified by MonsterInsights