Fagare - Wardeeq news

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay laba askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukunkaan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, oo Al-shabaab ay maamulaan.

Sida uu sheegay gudoomiyaha Maxkamadda Al-shaabab ee Gobolka Shabeelaha hoose,raga dilka lagu fuliyay oo laba ruux ahaa ayaa ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana nolosha kusoo qabtay Al-shabaab.

Labada askar ee goobta fagaaraha ah lagu toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray

1-Yoonis macalim xasan saalax oo ka tirsanaa qeybta nabadsugida Dowladda Somaaliya.

2-Maxamed nuur xasan oo loo yaqaano carab kana tirsanaa milatariga Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa xukuno dil, gacan goyn iyo xukuno kale ka fuliya goobaha ay ka maamulaan dalka.

Verified by MonsterInsights