Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Andalus.
Qoraalka laga baahiyay idaacadda ayaa sidan u qornaa “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen, kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.