Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Awdheele ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku beegsaday sadhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaas, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarka uga yimid Khawaarijta, ayna iska difaaceen dagaalka ay saaka kusoo qaaday saldhigga degmada Awdheegle.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh u fashiliyey isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Ciidamadu waxay si feejigan u ogaadeen dhagarta cadowga, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyay jab culus, islamarkaana baacsanaya firxadka naf-la-caariga ah ee ka haray weerarka”.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana howlgallo ka wadaa ciidamada Xoogga dalka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
“Degmada Awdheegle weli waxaa kasii soconaya howlgal culus oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka habaabka ah ee khawaarijta” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore ay sidaan oo kale weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah ay Al-Shabaab ku qaaday hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne, kaas oo lagu dilay odayaal dhaqameedyo iyo saraakiil ciidan.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Si kastaba, Labada Shabellle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.