Halyeygi - Wardeeq news

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn u qabsaday muuqaalka wiil dhallinyaro ah oo dusha ku xambaaraya wiil kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii xeebta Liido, xilli dadka badankood ay ku jireen kala carar.

Sidoo kale, Wiilkan ayaan usoo laabtay wiil dhallinyaro oo dhaawac ah ayna ku adagtahay in goobta rasaasta ka socotay ka baxsado, waxa uuna wiilkan wiilkii dhaawaca ahaa kusoo qaatay dusha, xilligaas ayaana muuqaal uusan ogeyn wiilkan laga duubay.

Dhanka kale, bulshada Soomaaliyeed ayaana si weyn u bogaadisay geesniimada wiilkan Soomaaliyeed ee badbaadiyay nolosha wiil kale oo asaagiisa ah, waxa ayna dadka badi ku tilmaameen halyey geesi ah oo mudan ku dayasho.

Wiilka qabsaday baraha bulshada badbaadinta cajiibka ahna sameeyay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Raagge Xasan, ayaa sheegay in xalay Al Shabaab soo waceen markii ay arkeen muuqaalkiisa, waxa uuna sheegay in ay ugu hanjabeen in uu ka shaleyn doono ficilka badbaadinta ah uu sameeyay.

Waxa uu sheegay in farriinya Al Shabaab aysan gelin wax cabsi ah ayna yihiin iyaga ku shalay ku dambeyn doona, waxa uuna xusay in sababta ay ugu hanjabeen ay tahay in ay rabaan in dadka cabsi galiyaan si loo waayo dad kale oo walaalahooda nafta u hura oo badbaadiya.

“Al Shabaab waxa ay isku dayeen in ay ii hanjabaan oo i dhahaan waxa aad sameysay waad ka shaleyneysaa, laakin aniga waxaan ogahay waxa aan sameeyay in aan ka shaleyneenin balse iyagu ka shaleyn doonaan, markii ay isoo waceen waxa ay i dhaheen muslimiinta kasoo horjeedaa gaalo ayaadna gacan siisay oo badbaadisay, waxa ay ugu dan leeyihiin hanjabaada ama in ay dhibaateeyaan ujeedooda waxa ay tahay in ay dambi ka dhigaan in qof uu caawiyo qof kale oo dhiban, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed  in walaalahooda u gurmadaan xilliyada adag” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sikastaba,  kooxda Al Shabaab ayaa habeenkii Jimcaha sii bexaysay weerar ay ku qaadeen xeebta Liido halkaas oo oo ay kudhinteen dad ku dhaw 40-qof oo shacab ah, halka weerarkaasi ku dhaawaceen dad ka badan 200-qof , kuwaa oo xeebta u tagay nasiino iyo damaashaad.

Wardeeqnews.com

Verified by MonsterInsights