Amazon oo raalli gelin ka bixisay caqabadaha kaadida ka haysta shaqaalaheeda badankooda

0
150

Amazon oo raalli gelin ka bixisay caqabadaha kaadida ka haysta shaqaalaheeda badankooda

Shirkadda Amazon ayaa raalligalin ka bixisay been abuur ay hore ugu ku beenisay in darawallada, mararka qaar, lagu qasbo inay ku kaadiyaan dhalooyinka caagga ah.

Mark Pocan, oo ah Dimuqraadi ka soo jeeda Wisconsin, hore u sheegay in shaqaalahha “loo sameeyey in ay ku kaadiyaan dhalooyinkii biyaha” ayna habkaa ugu talogashay shirkadda Amazon.

Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee ‘Amazon Twitter’ ayaa markaa ku jawaabay: “Haddii taasi run tahay, qofna inooma uu shaqeeyeen.”

Shirkadda ayaa hadda raaligelin bixisay ka dib markii ay soo baxday caddeymo muujinaya darawallada inay ku kaadiyaan dhalooyinka.

“Waxaan ku leenahay raaligelin Wakiil Pocan,” Amazon ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay.

“Qoraalku wuxuu ahaa mid khaldan. Kama fikirin dadkeenna tirada badan ee darawallada ah taa badalkeedana si qaldan ayaa diiradda loo saaray kaliya xarumaha fulintooda.”

Waxay intaa ku dartay in xarumaha fulinteeda dhammaantood ay leeyihiin daraasiin musqulo ah oo shaqaaluhu isticmaali karaan “wakhti kasta”.

Protest in LA in support of Alabama unionisation

Mr Pocan wuxuu ku dhaleeceeyay shirkadda Amazon inay ka soo horjeesatay dadaallada ay shaqaalaha u galeen inay ku midoobaan xarun weyn oo ku taal Alabama.

“Mushahar siinta shaqaalaha $ 15 / saacaddiiba kaa dhigi mayso ‘goob shaqo oo horumar leh’ marka aad shaqaalahaaga ku kellifto in ay caagado ku kaajaan “ayuu qoray usbuucii hore.

Wax yar kadib, bogga rasmiga ah ee Amazon ayaa ku jawaabtay: “Runtii ma rumeysatid in lagu saxaroon karo caagad! miyaad rumaysan tahay? Hadday taasi run tahay, qofna nooma shaqeeyeen.”

Dhowr warbaahin ayaa markaa soo xigtay shaqaale fara badan oo Amazon ah kuwaas oo xaqiijiyay in aan fursad kale la siin aan hayn in ay kaadiyaan dhalooyinkaas caagga ah inta ay shaqeynayaan. Waxay sidoo kale ku tilmaameen dhaqammo shaqo oo aan kala joogsi lahayn, labadaba xarumaha fulintooda iyo qaybta darwallada alaabta gudbiyaba.

Xogta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay heshay dukumiinti gudaha ah oo tilmaamaya in madaxda Amazon ay ka warqabaan waxa dhacaya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here