Wararka laga helayo magaalo xeebeedkanKismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Saacadihii ugu dambeeyay si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Jubbaland
ayaa lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah, kusoo daadisay waddooyinka magaalada, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus. Sidoo kale ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu kordhiyay ciidamadii horay u garoonka Kismaayo, si ay xoojiyaan ammaanka. Arrintan ayaa daba socoto khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo
dowladda dhexe, oo meeshii ugu xumeyd gaaray, kadib markii uu shalay Axmed Madoobe ku dhawaaqay inuu xiriirka u haray Villa Soomaaliya. Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan waddo qorshe ay ku dadajineyso doorashadeeda, waxaana sidoo kale diidan dowladda federalka Soomaaliya.