AP21051475426018 - Wardeeq news

Islamabad, Pakistan – Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Pakistan in ay joojiyaan adeegsiga waayida qasabka ah oo ah qalab siyaasad dowladeed, xilli ay soo saartay warbixin cusub oo muujineysa saameynta afduubka sharci darrada ah ee noocan oo kale ah ay ku yeelanayaan qoysaska dadka la la’yahay. Warbixinta kooban oo cinwaan looga dhigay “Ruux nool”, ayaa waxaa sii daayay kooxda xuquuqda ee fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska Isniintii, wuxuuna ku saleysan yahay wareysiyo lala yeeshay 10 xubnood oo qoys oo ka tirsan dadka “kuwaasi oo aan qaddarkooda la garanayn ka dib markii ay afduubteen laamaha ammaanka Pakistan”.

Verified by MonsterInsights