Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey gobolka Banaadir Maanta ku dilay Haweeneey ay xaafada deris ka ahaayeen.
Haweeneeyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Faaduma Cali Cismaan ( Faay Beeso) ayaa korineysay Carruur Agoon ah, waxaana askariga dilay ay ahaayeen deris isku xaafad ahaa.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in sababta dilka ay ka dambeysay kadib markii Haweneyda Carruurteeda uu wadada ku ciyaaraya uu qoray ku taagay, hayeeshee, iyada oo dooneysay inay u dacwooto Sarkaalka Askariga xukumayay, uu askarigiiu Haweeneyda ku dilay.
Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aheyd mid la tacaasha Nolol maalmeedka Carruurteeda, isla markaana uu u dilay Askariga si xaqdaro ah.
Waxaa ay ugu baaqeen laamaha amniga dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan Askariga dilka geystay oo Goobta ka baxsaday, kaas oo laamaha amniga Soomaaliya ay ku raad joogaan.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka ay qaarkood geeysanayan Askarta dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho.