FB IMG 1643185242253 - Wardeeq news

Alle ha u naxariistee Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar, oo ka mid ahaa Hoggaanka Millateriga Somaliland ayaa saaka lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl oo u dhow Boorama.

Askari ka tirsan Ciidamada uu xukumayay ayaa la sheegay in uu dilka gaystay.

Dalmar, ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.

Askariga dilka gaystay ayaa wararku sheegayaan in markiiba la qabtay.

 

Verified by MonsterInsights