FB IMG 1650492311734 - Wardeeq news

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa lagu sheeegay in madaxweyne ku xigeenku uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilkii madaxweynaha ee Puntland, isagoo faray hay’adaha dawladda inay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in maadaama uu madaxweynihii si ku meel gaar ah u gudan kari waayey waajibaadkiisa dastuuriga ah, in masuuliyaduhu ay isaga si ku meel gaar ah ugu wareegayaan sida ku cad ayuu yiri dastuurka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa tallaabadan uu qaaday ku macneeyey inuu kaga hortegayo inay Puntland gasho firaaq dastuuri ah xilli ay deeganadaas ka jiraan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aan.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka wado ololaha doorashadiisa madaxtinimada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisu.

Verified by MonsterInsights