al - Wardeeq news

Madaxweynaha  Dawlad goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qorshaha ciidamada ATMIS ay Soomaaliya uga baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha iyo jadwalka ciidamada ATMIS ay uga baxayaan dalka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka kula wareegayaan goobaha ay ka baxayaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay iney u muuqato diyaar garow la’aan dhanka dowlada iyo ciidanka Soomaaliya oo la xariirta sidii ATMIS ugala wareegi lahayeen amniga dalka, isagoona xusay in qorshaha bixista ATMIS uu yahay tijaabo dowladda laga qaadayo.

“Arrintan waa ay jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin maayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan, anaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo, fashilka ka yimaadaa waa mid Xukuumadda taabanaya iyo ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Warka ka soo  baxay Madaxweynaha  Jubland ayaa ku soo aadaya , xilli maalmo ka hor ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo lagu wareejiyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishata Jubbaland

Verified by MonsterInsights