Shacbiga Hargaysa ayaa saaka sidan ku soowaa bariistay halkani waa XaafadaCalaadamaha oo la soo dhoobay Cii...see more - Wardeeq news

Banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliland, islamarkaana lagu dalbanayo doorasho ayaa waxaa ay maanta ka bilowdeen magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Boqolaal dadweyne ayaa dibad bax ka dhigaya bartamaha magaalada Hargeysa, waxaana hoggaaminaya hoggaamiyaha xisbiga Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro.

Ciidamada ammaanka Soomaaliland ayaa rasaas u adeegsaday dadka banaanbaxa dhigaya.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada Booliska uu ku dhaawacmay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, waxaana la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray Lugta .

Verified by MonsterInsights